Home News in English Maxkamada Örebro oo Xukun ku riday 3 Nin oo lagu heesto Rabshadihii...

Maxkamada Örebro oo Xukun ku riday 3 Nin oo lagu heesto Rabshadihii Xili Ciida

0

Labo nin oo da’doodu tahay sodon jir iyo mid afartameeyo jir ah ayay maxkamadda Orebro ku heshay danbi ah in ay booliska waxyeeleeyeen, waxaana loo arkayay in saddexdan nin ay siyaabo kala duwan uga qeyb qaateen rabshadihii ka dhashay ciidii ugu dambeeyay ee Easter-ka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggaasi uu ku kacay fal daandaansi ah, isla markaana uu dab qabadsiiyay waddo ka mid ah goobaha dibadbaxa lagu dhigayay.

Waxa kale oo uu Booliska ku dhuftay ul waxaana uu kaxaystay mid ka mid ah baabuurta Booliska oo uu markii dambe dab qabadsiiyay.
Ninkan ayaa laga dalbanayaa magdhow dhan 135,849 karoonka.

Midka kale ayaa la sheegay in uu dhowr dhagxaan ku tuuray booliiska, waxa uuna dab damis ku tuuray baska booliiska.

Ninka saddexaad ayaa sidoo kale ka ciyaaray door kicin ah, sida lagu sheegay dacwadda, isagoo dab qabadsiiyay, dhagxaanna ku tuuray booliiska.

Sida ay booliisku sheegeen saddexda nin markii ay falkaas sameeyeen wajiyada ayay soo duubteen.

Siddeed nin ayaa horey loogu helay dambi ah inay si weyn u waxyeeleeyeen howlgallada bilayska.

Ugu yaraan 71 bilays ah ayaa ku dhaawacmay, baabuurta booliisku waxay soo gaadheen 2.4 milyan oo koron oo khasaare ah iyo 563,000 oo qalab adeeg ah ayaa la burburiyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here