Home Wararka Caalamka Gabaabsi Dhanka Dhiiga oo ka taagan Dalka Sweden

Gabaabsi Dhanka Dhiiga oo ka taagan Dalka Sweden

0

Isbitaallada dalka Sweden ayaa xiligan waxaa ka jira dhiig yari ka taagan qeybo badan oo dalka ah.
Yaraantani waxay la xiriirtaa fiditaanka fayraska Corona.

Baahida dhiiga ayaa ku badata magaalooyinka.

Ingrid Engstrom, oo ka tirsan hay’adda ku-deeqidda dhiigga Ge blod ayaa yiri: “Magaalooyinka waaweyn waxay leeyihiin daryeel gaar ah oo dheeraad ah, waxaana jira isbitaallo waaweyn oo ay bukaannadu ka yimaadaan meelo badan oo dalka ah.”

Ma aha wax aan caadi ahayn in sahayda dhiiggu ay hoos u dhacdo inta lagu jiro xagaaga marka dad badan oo iswiidhish ah ay safraan. Laakiin faafitaanka sii kordhaya ee Coronavirus ayaa sii xumeeyay yaraanta toddobaadyadii la soo dhaafay, gaar ahaan magaalada Stockholm, halkaas oo uu hadda ka jiro heer aad u sarreeya faafitaanka fayraska Covid.

Hadii aad jiran tahay oo aad leedahay astaamo u eg hargab, waa inaadan iman,” Engstrom ayaa yidhi.

Isagoo oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dhiigga la deeqay waa mid baaba’aya, mana la cadaadin karno, mana kaydin karno wakhti kasta.. Sidaa awgeed waa lagama maarmaan in la ilaaliyo qulqulka deeq-bixiyayaasha”.
Waxa uu xusay in si loo helo daryeel caafimaad oo tayo leh, loo baahan yahay dhiig qalliin, dhalmada, cudurrada daba-dheeraada, daaweynta kansarka, ama dadka waayeelka ah ee u baahan unugyada cas cas ee dhiigga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here