Home Wararka Maanta Maxkamada Mälmo oo go’an kasoo saartay Sharci dhibaato ku ahaa Muslimiinta Shaqo...

Maxkamada Mälmo oo go’an kasoo saartay Sharci dhibaato ku ahaa Muslimiinta Shaqo doonka

0

Kadib go, aankii muranka dhaliyay ee dowlada hoose ee Trelleborg ay ku mamnuucday shaqaalaysiinta dadka diida in ay gacan qaadaan dadka kale sababo diimeed ama dhaqameed awgood, maxkamada maamulka ee Malmö ayaa maanta go’aamisay in isgacan qaadistu aysan noqon karin shuruud shaqo. Go’aanka maxkamada ee maanta ayaa laga yaabaa inuu hordhac u yahay xukun kale oo kansal gareeya go’aanka dowlada hoose.

Soo jeedinta xisbiga midigta-fog ee Sverigedemokraterna ayaa noqotay go, aan degmo oo ay taageerayaan muxaafidku, iyadoo wakiilo ka tirsan xisbiga Kristdemokraterna ay ka aamuseen codaynta. Hindisahan ayaa mamnuucaya in la shaqaaleeyo qofkii diida inuu gacan qaado sababo diimeed ama dhaqameed oo ka jira dawladaha hoose ee Skåne. Wuxuu ku tilmaamay soo jeedinta ah in la diido in gacanta la isula tago “mid aad u xadgudub ah.”

Si kastaba ha noqotee, dad badan ayaa go’aanka u gudbiyay Maxkamadda Maamulka, iyagoo u arka inay xadgudub ku tahay xorriyadda diinta. Maxkamaddu waxay go’aamin doontaa haddii degmadu xaq u leedahay inay fuliso go’aankan sida ku xusan Sharciga Degmooyinka.

Maxkamadda shaqaalaha ayaa sidoo kale soo saartay xukun sanadkii 2018 kaas oo ay ku taagneyd haweeney loo diiday in ay ka shaqeyso Uppsala maxaa yeelay waxay diiday inay gacan qaado ragga sababo diimeed awgood Waxayna tixgelisay in haweeneyda lagu sameeyay takoor.

Duqa magaalada Trellebury, Michael Rubin oo ka tirsan xisbiga muxaafidka, ayaa sheegay in go’aanka maxkamada uusan ka yaabin, taasoo muujineysa in xisbigiisa uusan ku tala jirin inuu racfaan ka qaato xukunka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here