Home Wararka Maanta Jimmie åkesson ” Sweden waa in ay ku Booriso Qaxootiga Suuriyaanka ku...

Jimmie åkesson ” Sweden waa in ay ku Booriso Qaxootiga Suuriyaanka ku laabashada Dalkooda

0

xisbiga midigta fog ee Dimuqraadiga Sweden, Jimmie åkesson wuxuu yiri Sweden waa inay ku boorrisaa reer Siiriya inay ku laabtaan meelaha nabdoon ee dalkooda, asagoo ula jeeda macnaha guud ee siyaasada cusub, oo ay raacday Denmark. .

Wareysi uu siiyay wargeyska Dagens Nehter ayuu ku sheegay in qaxootiga oo aan cadeyn joogitaankooda isla markaana aan ku milmin bulshada Sweden ay tahay in lagu cadaadiyo inay dib ugu celiyaan dalkooda.

Wax dhib ah kuma qabo inaan cadaadis saaro dadka aan halkaan iska cadeynin, ee aan ka mid aheyn Sweden, isla markana gooni ku noolka ah ayuu yiri.

Jimmie ayaa carabka ku adkeeyay in xisbigiisa uu saameyn ku yeelan doono wadahadalada dowlada ee mustaqbalka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan siyaasada dib u noqoshada iskaa ah

Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo inuu adkeeyo in qaxootiga ay ka faa’iideystaan ​​nidaamka caymiska bulshada ee Sweden si soogalooti badan ay iskood ugu noqdaan dalkooda hooyo.

 – Fiiri Danmark, oo hadda ku dhiirrigelinaysa reer Suuriya inay soo noqdaan, waayo waxay arkaysaa qaybo ka mid ah Suuriya oo gebi ahaanba nabad qaba oo lagu laabto, ayuu yidhi Waa inaan sidaas oo kale yeelnaa. ”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here