Home Wararka Caalamka Maxkamad Sare oo xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka...

Maxkamad Sare oo xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda

0
President Donald Trump speaks from the Oval Office of the White House as he gives a prime-time address about border security Tuesday, Jan. 8, 2018, in Washington. (Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda, iyadoo soo xiganeysa qodob ka mid ah dastuurka.

Go’aan taariikhi ah, ayay maxkamaddu ku xukuntay in Mr Trump aanu ahayn musharax u qalma.

Waa markii ugu horeysay ee qaybta 3aad ee wax ka bedelka 14aad ee dastuurka Maraykanka loo isticmaalo in laga reebo musharaxa madaxweyne.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Mr Trump laga tuuro doorashada ayaa lagu guuldareystay.

Go’aankan ayaa ilaa bisha racfaan laga qaadan karaa ilaa bisha soo socota waxaana la sheegay inuusan quseyn gobolada kale.

Xukunka ayaa kaliya khuseeya doorashada hordhaca ah ee gobolka ee 5-ta Maarso, markaas oo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay dooran doonaan musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynaha, in kasta oo ay saameyn ku yeelan karto doorashada guud ee November.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here