Home Wararka Caalamka isbeddel lagu sameeyey sharciga Soo galootiga Midowga Yurub iyo saamaynta uu ku...

isbeddel lagu sameeyey sharciga Soo galootiga Midowga Yurub iyo saamaynta uu ku Yeelan Doono Soomaalida iyo muhaajiriin badan

0

Ku xigeenka guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay ku heshiiyeen siyaasado cusub oo ku saabsan magangalyo doonka iyo muhaajiriinta.

Ka dib bilo halgan siyaasadeed ah, Faransiisku wuxuu sidoo kale soo saaray qaraar adag oo ku saabsan siyaasadaha socdaalka.

Baarlamaanka Faransiiska ayaa meelmariyay sharci adkeynaya siyaasadda socdaalka Faransiiska ka dib bilo ay socdeen khilaaf siyaasadeed oo dalkaasi ka socday.

Sharciga wax ka beddelka lagu sameeyay ee hanaanka soo galootiga ayaa waxaa taageeray labada xisbi ee ugu weyn dalka Faransiiska .

Sharciga cusub ayaa ka dhigaya sharuud adag taas oo ah in dadka soo galootiga ah ee doonaya in xubnaha qoyskooda ay keenaan Faransiiska ay waqti ku qaadan doonto in ay helaan lacagaha cayrta ah ee la siiyo.

Sharciyada wax beddelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah

– In la sameeyo xarumo cusub oo dadka lagu hayo oo laga sameeyo aagagga xadadka dalalka ay soo galootigu ka soo galayaan.

– Masaafurinta degdegga ah oo lagu sameeyo dadka magangalyo-doonka ee sharciyada loo diiday ama loo diido.

– Kordhinta iskaashiga waddamada koonfurta Yurub ee ay soo galootiga ugu badan ka yimaadaan.

Bishii Juun, wasiirrada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub waxay ogolaadeen qorshe dib loogu eegayo siyaasadda socdaalka iyo magangelyada ee ururkan.

Hirgelinta siyaasadahan ayaa u muuqata in ay ka dhigan tahay abuurista habab adag oo loogu talagalay dadka magangalyo-doonka ah ee Yurub, taas oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ururkan sannadihii u dambeeyay.

Sannadkan, sida ururku sheegay tirada dadka Yurub doonyaha kaga soo galay badda Mediterranean-ka ayaa kordhay 30%.

Laga soo bilaabo 2015, arrinta ku saabsan magangelyo-doonka waxay noqotay mid muran badan ka dhex dhalisay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Waddamada Midowga Yurub ayaa hore ugu heshiin waayey sidii ay u wadaagi lahaayeen mas’uuliyadda magangelyo-doonka, taasna waxay keentay in ay badi isku dayaan in ay la shaqeeyaan qaramada midoobeey.

Macluumaadka la hayo ayaa muujinaya in in ka yar 160,000 oo magangalyo doon ah ay awoodeen inay ka gudbaan badda oo ay galaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub sannadkii hore.

Isla muddadaas, qiyaastii 2,500 oo qaxooti ah ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda ayaga oo isku dayay in ay gaaran dalalka Yurub.

Dalalka ay ka yimaadaan dadka ugu badan ee magangelyo-doonka Yurub taga

Sida lagu sheegay warbixinta ay daabacday Hay’adda Socdaalka Midowga Yurub, dadka ugu badan ee magangelyo-doonka ee gaaray dalalka kala duwan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, waxaa ugu badan kuwa ka yimid dalalka Suuriya iyo Afgaanistaan.

Suuriyaanka ayaa ah dadka ugu badan ee magangalyo doonka ah, waxaana ku xiga kuwa ka yimaada Afgaanistaan .

Waxaa kale oo ka mid ah dalalka dadka muhaajiriinta ay ka yimaadaan kuwa qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo dhaweeyay sharcigan cusub walow qaar ka mid ah golaha wasiirada dalkaasi ah ay aad uga soo horjeedaan.

Wasiirka caafimaadka Faransiiska Aurélien Rousseau, oo xubin ka ahaa xisbiga shuuciga ah ayaa iska casilay xilliga isaga oo si adag ugu soo horjeestay sharciga socdaalka, Dhowr wasiir oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran yihiin inay shaqada ka tagaan.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay dib u habaynta cusub ee lagu sameeyay sharciga socdaalka ee Midowga yurub Kadib tobanaan sano oo dalalka xubnaha ka ah ururka ay isku hayeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here