Home News in English Maxaa Sabab u ah in Sweden joojiso Talaalka Nuuca Moderna

Maxaa Sabab u ah in Sweden joojiso Talaalka Nuuca Moderna

0
Photo/Metro

Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay Talaalka nuuca Moderna gaar ahaan in lagu talaalo dadka da’dooda ka hooseyso 30 sano jirka.

Dhoor sabab ayaa jirta Waxana kamid ah in dadka lagu talaalay qaarkood lagu arkay Barar Murqaha wadnaha iyo waliba maqaarka wadnaha.

Waxaa kaloo la sheegay in ay jirto halis ku wajahan dadka dhalinyarad ama da’dooda ka hooseyso 30 sano jirka.

Sida qeybta caafimaadka Sweden shaacisay waxaa jira baaritaan ku aadan Talaalka nuuca Moderna iyadoo la hakiyay xiligan.

Horay ayaa loo hakiyay talaalka AstraZeneca kaasi oo Dowlada Denmark ay shaacisay in dhoor qof lagu arkay xinjirowga dhiiga iyadoo markaasi la hakiyay.

Xiligaasi waxaa laga joojiyay in lagu talaalo dadka waayeelka iyadoo dhalinyarada loo fasaxay in lagu talaalo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here