Home Wararka Caalamka Maxaa ku soo kordhay Xiisada Turkiga iyo Giriiga & Kulanka Midowga Yurub...

Maxaa ku soo kordhay Xiisada Turkiga iyo Giriiga & Kulanka Midowga Yurub ee la filayo

0

Turkiga iyo Gariiga ayaa dhowaan dib u billaabi kara wadahadallo ku saabsan muranka aagga ay kala sheegtaan ee badda Mediterranean-ka, laakiin hogaamiyaasha Midowga Yurub ee toddobaadkan kulmaya ayaan caawin doonin arrintaasi haddii ay Turkey ugu hanjabaan cunnaqabateyn, sida uu yiri afhayeenka madaxweynaha Turkiga.

Labadan dal ee deriska ah kana tirsan xulufada NATO ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf ba’an oo ku saabsan baaxadda qolfoof badeedkooda bariga badda Mediterranean. Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii hore markii Turkiga uu u diray markab sahan ku sameeya gaaska iyo saliidda biyaha lagu muransan yahay.

Gariiga oo xubin ka ah Midowga Yurub ayaa cambaareysay talaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah, iyadoo Gariiga iyo Qubrus ay sugayaan jawaab adag oo ay ka helaan hogaamiyaasha Midowga Yurub ee Khamiista kulmaya.

Ankara ayaa toddobaadkii hore dib u celisay markabkii sahanka ee Oruc Reis. Waxay dib u celinta ku tilmaamtay dayactir lagu sameeyo markabka laakiin goor dambe ayay sheegtay in ay in ay u furan tahay fursad diblomaasiyadeed si loo yareeyo xiisadda kala dhaxeysa Athens.

Bishii la soo dhaafay Gariiga iyo Turkey ayaa ku dhowaaday in ay dib u soo celiyaan wadahadallada la xiriira howlaha “sahaminta” oo hakaday 2016-kii. Laakiin Turkiga ayaa xiriirka u jaray una diray markabka Oruc Reis biyaha lagu muransan yahay ka dib markii Gariiga la saxiixatay dalka Masar heshiis xadeynta badda ah, taasoo ka careysiisay Ankara.

Sida Somaliska ay ka heleyso dhanka warbaahintaGiriigga iyo Turkiga ayaa ku dhow inay dib u soo nooleeyaan wadahadaladii ku saabsanaa muranka badda ee mudada dheer soo jiitamayay ka dib xiisad kacsan oo ka taagan xuquuqda looga faa’iideysanayo kaydka gaaska dabiiciga ah ee laga heli karo bariga Mediterranean, sarkaal Giriig ah ayaa sidaas u sheegay AP

Somaliska Ankara.

Xigasho/VOA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here