Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo bilaabeysa Sharciyo iyo Xanibaadyo Cusub Hadii Corona uu sii...

Dowlada Norway oo bilaabeysa Sharciyo iyo Xanibaadyo Cusub Hadii Corona uu sii kordho

0

– Haddii tirada dadka cudurka qaba ay sii kordhaan, waa in aan soo bandhigno tallaabooyin faragelin ah, ayuu yiri Raymond Johansen (Labour) oo ka tirsan Golaha Degaanka Oslo oo shir jaraa’id qabtay maanta.

Photo: Gorm Kallestad / NTB

– Waa inaan soo celinaa wax kasta oo aan sameyno sida isku masaafada ayuu yiri Johansen oo ku celceliyay talobixinta ra’iisul wasaaraha Erna Solberg, ka hor dhamaadka usbuuca.

Labada siyaasiba waxay rumeysan yihiin in masaafada udhaxeysa dadka uu noqday mid gaaban bilooyinkii ugu dambeeyay taasi oo keenta in Xanuunka uu dib u soo laabto.

Johansen wuxuu digniin adag u diray dadka reer Oslo oo ku saabsan cudurka ku sii kordhaya magaalada. Dhammaan 15-ka degmo ayaa hadda laga helay in ka badan 20 qof oo qaba cudurka dadka degan. Oslo, St. Hanshaugen iyo Sagene ayaa in ka badan 100 qof uu ku dhacay marka la eego 100,000 kii qof ee degan.

Golaha Magaalada ayaa sidoo kale la yimaaday sharciyo iyo talooyin cusub oo ku saabsan goleyaasha, gaadiidka dadweynaha, iyo diiwaangelinta martida ee goobaha lagu caweeyo.

Xaalada Norway ee dhanka Corona ayaa hada ah mid adag waxaana dib u soo laabtay kiisaska Xanuunka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here