Home Wararka Caalamka Masjidka Göteborg oo bilaabay Qaab Cusub oo loo Tukanayo Salaada Jimcaha

Masjidka Göteborg oo bilaabay Qaab Cusub oo loo Tukanayo Salaada Jimcaha

0
FOTO Björn Larsson Rosvall / SCANPIX / TT

in Salaada Jimcaha la tukado labo mar ayaa ah mid caadi ah iyadoo dadka loo qeybinayo labo qeybood lakin Masjidka Göteborg ayaa bilaabay Qaab cusub.

Qaabka Cusub ayaa ah in Dadka la Talaalay ay Tukadaan Salaada Qeybta hore hore ee masjidka Marka labaad ay salaada Tukanayaan Dadka aan Qaadan Talaalka.

Madaxa Warfaafinta ee Masjidka Göteborg Kalthoum Kalim ayaa sheegay in Masjidka lagu tukan doono iyadoo dadka qaatay talaalka ay ku tukanayaan Hoolka weyn ee Salaadda, halka kuwa aan la tallaalin ay ku tukan doonaan Maqaaxida madama Salaada hore ay imaan karaan dad aanan la talaalin.

Go’aankan cusub ayaa dhigaya in ugu badnaan 500 oo qof ay tukandoonaan marka hore, marka ay dhammeeyaanna waxaa salaadda labaad tukanaya dadka aan la tallaalin iyadoo la ogolyahay ugu badnaan 350 qof iyadoo la ilaalinayo masaafada u dhexeysa.

Bayaan uu siiyay SVT, ayuu Kalim ku xaqiijiyay in masaajidka ka go’antahay fulinta Xayiraadaha, isagoo xusay in “Iimaamka masaajidka uu sii wado inuu dadka ugu baaqo inay qaataan tallaalka, laakiin ma mamnuuci doono salaadda kuwa aan la tallaalin haddii ay dowladdu sameyso.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here