Home News in English Markab Dagaal oo soo gaaray Sweden kaasi oo laga leeyahay Mareykanka

Markab Dagaal oo soo gaaray Sweden kaasi oo laga leeyahay Mareykanka

0
Photo/TT

Markabka USS Forrest Sherman ayaa soo gaaray Stockholm maamta. SDF ayaa ku warantay in joogitaanka markabka aysan ahayn xaalad degdeg ah, balse taa beddelkeeda la qorsheeyay in muddo ah.

Markabku wuxuu ka tirsan yahay maraakiibta Dagaalka ee USA hawshiisa ugu weynna waa difaaca hawada. Markabku wuxuu ku soo xidhay 12 duhurnimo Frihamnen.

“Markabku waxa uu fasax u haystaa in uu joogo Stockholm dhawr maalmood,” ayuu xoghayaha warfaafinta ee ciidamada difaaca Jonas Olsson u sheegay SVT. Ma geli karo tafaasiisha waxa uu halkan ka samaynayo.”

Markabkan ayaa todobaadkii hore ka shiraacday badda Baltic-ga si uu dhoolatus ugu sameeyo ciidamada badda ee Mareykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here