Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Sheegay in Shiinaha uusan Dhex Dhexaad ka Aheyn Xaalada Ukraine

Mareykanka oo Sheegay in Shiinaha uusan Dhex Dhexaad ka Aheyn Xaalada Ukraine

0
Foto: Aleksey Druzhinin / Reuters/NTB

Dowlada Mareykanka ayaa Sheegtay in Dalka Shiinaha uusan Dhex Dhexaad ka Aheyn Xaalada Ukraine.

Vladimir Putin iyo Xi Jinping ma aysan sheegin wax noo horseedaya in aan rumeysanno in dagaalka Ukraine uu soo afjarmi doono waqti dhow, ayuu yiri afhayeen u hadlay Aqalka Cad.

– Haddii Shiinuhu runtii doonayo inuu ciyaaro door wax ku ool ah, markaa madaxweyne Xi Jinping waa inuu ka codsadaa Ruushka inuu soo afjaro duulaanka Ukraine, ayuu yidhi afhayeenka golaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden, John Kirby.

Xi ayaa toddobaadkan booqasho saddex maalmood ah ku jooga Moscow, halkaas oo uu Talaadadii uga warbixiyey Madaxweyne Vladimir Putin soo jeedinta Shiinaha ee xabbad joojinta iyo qorshaha nabadda ee Ukraine.

-Xabbad-joojin hadda waxay hakisaa jiidaha hore waxayna siinaysaa Ruushka waqti iyo meel uu ku soo diro qalab iyo shaqaale dheeraad ah, ayuu yidhi Kirby, oo intaas ku daray in Maraykanku aanu u arag Shiinaha mid dhexdhexaad ah marka ay timaado dagaalka Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here