Home Wararka Caalamka Lacagta Kaalmada Guryaha oo loo kordhiyay Waalidka Heysta Caruurta Badan Sida Dowlada...

Lacagta Kaalmada Guryaha oo loo kordhiyay Waalidka Heysta Caruurta Badan Sida Dowlada Sheegtay

0
Foto: johan Nilsson

Dowlada Sweden ayaa sheegtay in kaalmada Guryaha ee loo yaqaano Bostadbidrag loo kordhinayo Waalidka heysta Caruurta badan.

Kaalmada Guryaha ayaa aheyd boqolkiiba 25 Percent Waxana Dowlada ay gaarsiisay Boqolkiiba 40 kor u kacaasi oo ah mid aad u balaaran.

Sababta ugu weyn ee loogu kordhiyay Waalidka lacagta kaalmada ay helaan ayaa lagu sheegay Xaalada Dhaqaale ee ka taagan Wadanka.

Raisal Wasaare ku xigeenka Sweden Ebba Bush oo ka hadashey arintan ayaa sheegtay in kordhinta lacagta ay soconeyso maanta laga bilaabo ilaa dhamaadka sanadkan.

Dowlada ayaa sheegtay in Waalidka heesta Caruurta badan ay dhaqaalo aad u hooseeya ku jiraan marka loo eego dadka kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here