Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Qaaday weerarrer loogu Aargudaayay Sadaxdaan Sarkaal ee Dhawaan...

Mareykanka oo Qaaday weerarrer loogu Aargudaayay Sadaxdaan Sarkaal ee Dhawaan La Dilay

0

Mareykanka ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday 85 bartilmaameed oo lala xiriirinayo Iran Ciraaq iyo Suuriya.

Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in ay uga aargudanayeen weerar diyaaradeed oo ay fuliyeen dagaalyahanno ay taageerto Iran oo Axaddii saddex askari oo Mareykan ah ku dilay xero ciidan oo ku taal Jordan.

Maraykanku waxa uu ku celceliyay in uusan doonayn in uu khilaaf kala dhexeeyo Iran lafteeda balse madaxweyne Biden waxa uu ka digay in weeraradu sii socon doonaan.

Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah xarumaha taliska iyo kuwa laga maamulo ee ay leeyihiin ciidamada Quds ee Iran iyo maleeshiyaad taabacsan.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in tiro dad ah lagu dilay laguna dhaawacay.

Dowladda Ciraaq waxay ku tilmaantay weerarrada ka dhacay dalkeeda kuwo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here