Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ku dhawaaqday Isbaheysi caalami ah oo diiradda saaraya ammaanka Badda...

Mareykanka oo ku dhawaaqday Isbaheysi caalami ah oo diiradda saaraya ammaanka Badda Cas Xili Xutiyiintuu Diideen in la maro

0
(Russian Defense Ministry Press Service via AP) TT

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Isbaheysi caalami ah oo diiradda saaraya ammaanka Badda Cas, kadib weeraro is daba joog ah oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee maraakiibta.

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa waxa uu ku sheegay in weerarada Xuutiyiinta ee aan ka fiirsiga lahayn ee ka imanaya Yemen ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga “ay halis galiyeen isu socodka xorta ah ee ganacsiga, khatarna galinaysa badmareenada aan waxba galabsan, waxaanay jabinayaan sharciga caalamiga ah”.

Dhowr shirkadood oo waaweyn oo kuwa maraakiibta ah ayaa hakiyay howlihii ay ka hayeen aaggaas kadib weeraro xiriir ah oo ay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto Iran ku qaadeen maraakiibta mara marinka Bab al-Mandab maalmihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay.

“Badda Cas waa marin-biyood muhiim ah oo lagama maarmaan u ahaa xorriyadda socdaalka iyo marinada ganacsi ee waa weyn kuwaas oo fududeeya ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri.

Marinka maraakiibta ayaa isku xira maraakiibta ka imaanaya Aasiya iyo bariga Afrika ee taga Yurub iyagoo sii mara marinka Suweys ee Masar, kaasoo ah marinka ugu weyn ee badda Mediterranean-ka ay maraan maraakiibta ka soo safraysa badweynta Hindiya.

Waxa uu sheegay in howlgalka oo loogu magac daray Operation Prosperity Guard, oo ay ka qeyb qaadanayaan waddama UK, Baxrayn, Kanada, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here