Home Wararka Caalamka Maraykanka oo safaaradda Ukraine ka raray Caasimada Kyiv una guuraya Lviv

Maraykanka oo safaaradda Ukraine ka raray Caasimada Kyiv una guuraya Lviv

0

Maraykanka ayaa hawlihiisa safaaradeed ee Ukraine ka rari doona caasimadda Kyiv, una rari doona magaalada galbeedka ku taalla ee Lviv, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, isagoo ku sababeeyay dardargelinta dhismaha ciidammada Ruushka.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo saraakiisha Maraykanku ay ka digeen in Moscow ay sii wado ururinta in ka badan 100,000 oo askari oo ku sugan meel u dhow xuduudka Ruushka uu la wadaago Ukraine iyo dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, isla markaana ay xilli kasta qaadi karaan weeraro khasaare badan geystay oo ay ku jiraan Kyiv. Moscow ayaa beenisay eedeymaha reer galbeedka ee ah in ay qorsheyneyso duulaan.

“Ku duulitaanka Ukraine wuxuu keeni karaa rabshado ballaaran, burbur weyn, iyo khasaaro nafeyd ama kuwa kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price ayaa ku sheegay warbixin kooban.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in go’aanka ah in howlaha safaaradda loogu raro Lviv – oo qiyaastii 50 mayl (80 km) u jirta soohdinta galbeed ee Ukraine ay la wadaagto Poland – ay ka dhalatay walaac laga qabo badbaadada shaqaalaha.

Inta badan shaqaalaha safaarada ayaa horey loogu amray inay ka baxaan dalka Ukraine, waxaana muwaadiniinta Mareykanka lagu wargaliyay inay qaab ganacsi uga baxaan dalkaasi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here