Home News in English Mahad Abiib oo lagu soo celiyay Dalka Norway Isagoo laga qaaday dhiiga...

Mahad Abiib oo lagu soo celiyay Dalka Norway Isagoo laga qaaday dhiiga DNG-ga..

0

Mahad Abiib oo ah dhibane Somaliyed isla markana sharcigiisa dalka norway laga ceshtay goor hore ayaa markale ku soo laabtay Caasimada Dalka Norway.

Abiib ayaana dib ugu soo laabtay Norway isagoo dhawaan diidmo ka helay Dalka Iceland oo ka qabtay garoonka diyaaradaha isagoo ku sii jeeda Dhanka Wadanka Canada.

Garoonka diyaaradaha Oslo ee gardermoen waxaa Mahad Abiib ku sugayay Booliska Norway gaar ahaan kuwa wadanka u qaabilsan dhanka arimaha soo galootiga waxana durba ay la wareegeen amaanka Mahad Abiib sida uu shaaciyay Talafashinka TV2.

Talashinka dalkaasi ee TV2 ayaa intaasi ku daray in Booliska ay mahad Abiib ka qaadeen dhiiga loo yaqaano DNA-ga iyo wareysi dheer oo qaatay mudo dhoor saacad ah oo la xiriira dib u soo laabashada mahad.

Markii uu kasoo dagay Garoonka ayuu Mahad abiib waxa uu wareysi uu siiyay Talafashinka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay ku soo laabashada Dalka iyo in uu u dagaalamayo dib u soo celinta sharcigiisa dalka.

ugu danbeyn waxaa la filayaa in bishada October ay dib u bilaabato maxkamada Mahad Abiib oo ah dhibane somaliyed oo sharciga dalka laga ceshtay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here