Home Wararka Maanta Macaliminta Wax ka dhigta Xaafadaha Ajaanibta oo la sheegay in aysan laheyn...

Macaliminta Wax ka dhigta Xaafadaha Ajaanibta oo la sheegay in aysan laheyn Aqoon buuxda..

0

Sida uu sheegay raadiyaha Dowlada Sweden Macaliminta wax ka dhigta nawaaxiga dadka faqiirka ayaana laheyn aqoon dhameestiran oo dhanka waxbarashada.

kala bar Macaliminta wax ka dhigta nawaaxiga ajaanibta ayaa leh aqoon dhameestiran halka qeybta kale aysan laheyn wax aqoon ah.

Guud ahaan Macaliminta wax ka dhigta Sweden ayaa lagu sheegay in 71 boqolkiiba ay heestaan aqoon dhameestiran halka inta kale aysan heysan.

ku dhawaad 23 goobood oo ah eeriyada ay ka dhacaan rabshadaha dalka sweden ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 61 kaliya ay heestaan macalimiinta aqoon buuxda halka inta kale aysan heysan.

Sababta arintaasi ku dhacday ayaa lagu sheegay in macalimiinta aysan rabin ka shaqeynta nawaaxigaasi oo rabshado kala kulmi karaan iyadoo badankooda ay doortaan goobo laga heli karo amaan.

Lena Bergström Häggberg, oo maamule ka ah iskuul ku yaalla Norsborg, Stockholm ayaa sidaasi warbaahinta u sheegtay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here