Home Wararka Maanta Magdalena Andersson oo Noqotay hogaamiyaha cusub ee xisbiga Socialdemokraterna ee Sweden

Magdalena Andersson oo Noqotay hogaamiyaha cusub ee xisbiga Socialdemokraterna ee Sweden

0
Sawirka: Björn Larsson Rosvall / TT

Arrintan ayaa dad badan la yaab ku noqotay markii Stefan Löfven uu xagaagan doortay inuu iska casilo xilka ra’iisul wasaaraha Sweden iyo guddoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna.

Maanta ayaa wasiirka maaliyadda Magdelena Andersson oo 54 jir ah loo doortay hogaamiyaha cusub ee xisbiga Socialdemokraterna shirwaynaha xisbiga ee Göteborg. Waxaa la filayaa in dhawaan ay la wareegto xilka Ra’iisul Wasaaraha marka uu Löfven ku dhawaaqo in uu iska casilayo xilka. ida uu qoray Svt.

Andersson ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqota Sweden.

Andersson ayaa codeynta ka dib sheegtay in ay jiraan saddex arrimood oo gaar ah oo ay diiradda saari doonto sanadaha soo socda. Waa daryeel, isbeddelka cimilada iyo dembiyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here