Home Wararka Denmark Denmark oo Digniin kasoo Saartay Safarada lagu tagayo Dalka Itoobiya

Denmark oo Digniin kasoo Saartay Safarada lagu tagayo Dalka Itoobiya

1
Foto: Ida Guldbæk Arentsen/Ritzau Scanpix

Maalin ka hor ayay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday in dalka uu galay Xaalada degdega ah , kadib markii ay colaada ka taagneed waqooyiga gobolka Tigray ayaa hadda ku fiday qaybo badan oo ka mid ah dalka ku yaala bariga Afrika.

Xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa ayaa hadda keenaysa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda – oo ay weheliyaan waddammada kale ee Waqooyiga Yurub – inay ka taliso dhammaan safarrada Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Jeppe Kofod (S) ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu aad uga walaacsan yahay Xaalada Itoobiya, halkaas oo sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ay ku nool yihiin 70 qof oo is diiwaan galiyay. liiska Danishka .

Colaado ayaa ka jiray waqooyiga dalka tan iyo bishii November ee sanadkii hore.

Shalay ayaa daabacday guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya EHRC iyo xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ku saabsan colaadda.

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here