Home Wararka Caalamka Magaalada Götenborg 33 Caruur ah oo dib ugu soo laaban Iskuulada Sanadkan

Magaalada Götenborg 33 Caruur ah oo dib ugu soo laaban Iskuulada Sanadkan

0

iyadoo la galay Fasaxyo kooban oo bilowga Sanadka Cusub ah ku dhawaad 33 Caruur ah ayaa dib ugu soo laaban Xaruumahooda Waxbarasho ee Magaalada Götenborg kuwaasi oo la aaminsanyahay in loo kaxeeyay Dhaqan-celis.

Marie Larsson oo kamid ah Madaxda Adeega Bulshada ee Götenborg oo warbaahinta la hadashey ayaa sheegtay in ay aaminsanyihiin Caruurtaasi in loo kaxeeyay Wadamadooda qaab dhaqan-celis ah,

Waxay hadalkeeda ku dartay in Caruurta ay sanadkan badanyihiin marka loo eego tirada Sanadkii hore ee Xiligan oo aheyd 10 Caruur ah halka maanta ay mareyso 33 Caruur ah oo ka maqan goobaha Waxbarashada.

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay sheegtay in loo baahanyahay baaritaan lagu sameeyo halka caruurtaasi la geeyay iyo waxyaabaha ka danbeeyay arintaasi.

Magaalada Götenborg Sanadkii hore xiliga Fasaxa waxaa laga waayay goobaha waxbarashada caruurtii ugu badneyn taasi oo sameyn ku yeelatay goobaha waxbarashadda qaarkood.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/SR

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here