Home Wararka Maanta Magaalada Gävle ee Sweden oo Roobab xoogan ka da’een iyo Iskuulada oo...

Magaalada Gävle ee Sweden oo Roobab xoogan ka da’een iyo Iskuulada oo la xiray

0
Foto Pernilla Wahlman/TT

Roob xooggan ayaa ka da’ay Gävle iyo deegaannada u dhow Gävle. waxaa ka da’ay roob ka badan kii caadiga ahaa bishii August oo dhan.

Dhowr waddo ayaa biyo galeen. Dhowr guri ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay markii biyuhu soo galeen.

Booliska ayaa dadka uga digay in ay baabuurta ku wadaan wadooyinka qaar. Waxa kale oo jira dib u dhac ku yimid tareenadii dhaafi lahaa Gävle.

Iskuulada ku yaal Gävle ayaa sidoo kale go’aansaday in dib loo dhigo bilowga dhammaan ardayda. Tani waxay khusaysaa dugsiyada hoose iyo sare labadaba .

Magaalooyin badan oo dalka ayaa la filayaa in roobab xoogan ay ka dagaan Sida Gävle oo kale.

Somaliska Gävle

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here