Home Wararka Caalamka Madaxweyne Donald Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay Cudurka Coronavirus

Madaxweyne Donald Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay Cudurka Coronavirus

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay cudurka Covid-19 oo weli faro kulul ku haya meelo ka mid ah caalamka.

Trump ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo ah Marwada Koowaad ee dalkaasi laga helay cudurka, ayna bilaabeen inay iskarantiilaan sidoo kalana ay mari doonaan habkii ay cudurkaasi uga soo kaban lahaayeen.

Mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump haweeneyda la yiraahdo Ms Hope Hicks ayaa laga helay cudurka Covid-19.

Waxay Madaxweynaha la raacday diyaaradda Air Force One taas oo uu todobaadkan ku tagay gobolka Minnesota.

Trump ayaa inta badan muujiya inuu yaraysanayo cudurka Covid-19 amaba uusan wax ku filan ka qaban Maraykanka oo uu dhib badan ku hayo, isagoo maalin dhowayd uun Minnesota ku qabtay isu soo bax ballaaran.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here