Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in Hadalkiisa loo fahmay si qalad ah muslimiintana...

Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in Hadalkiisa loo fahmay si qalad ah muslimiintana ay ka Caroodeen

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahmi karo sababta ay Muslimiinta uga argagaxeen sawir gacmeedka muranka dhaliyay ee muujinaya Nabi Muxamed NNKH.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay inuu rumeysanaa in falcelinno adag ay kaga imanayaa ummadaha Muslimka ah sababtoo ah waxa uu yiri dadku waxay si khaldan u fahmeen hadalkeyga oo waxay u maleeyeen inaan aniga taageersan yahay kartoonnada ama xitaa in dowladda Faransiiskuba ay sameeysay sawirada.

“Waan fahamsanahay dareenka ay muujiyeen waana ixtiraamayaa Muslimiinta hase yeeshee waa inaad kaalinteyda haatan oo waa inaan sameeyo labo arrimood:, “inaan sare u qaado xasiloonida iyo sidoo kale inaan ilaaliyo xuquuqda,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeda xoriyada hadalka ee kuwa sameeyay kartoonada.

“Maanta adduunka waxaa jira dad diinta Islaamka qalloocinaya iyagoo adeegsanaya magaca iney difaacayaan diintooda kuwaasi oo dadka , dilaya amaba gowracaya… maanta waxaa jira rabshado ay wadaan qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha xagjirka ah iyo shakhsiyaadka wata magaca Islaamka.”

Mr Macron ayaa sidoo kale sheegay in qaadacaadda alaabada faransiiska ah ee la soo jeediyay ay tahay “mid aan u qalmin” oo “aan la aqbali karin”.

Laakiin, wareysi uu siiyay warbaahinta Al Jazeera, ayuu ku sheegay in uusan marnaba aqbali karin in arrinta rabshada looga jawaabo.

Hadalka Macron ayaa imanaya ka dib weerarkii Khamiista lagu dilay kaniisad ku taal magaalada Nice kaasi oo looga shakisan yahay iney geysteen Islaamiyiin.

Waxaa sii kordhayay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta ah iyo Macron kaasi oo ku saabsan arrinta kaartuunnada.

Qaarkood waxay ku booriyeen in la qaadaco wax soo saarka Faransiiska madaama Mr Macron uu difaacay xuquuqda loo adeegsaday sawirada marka la eego xorriyadda hadalka.

Horaantii bishaan ayaa macalin qoorta looga jaray xaafad ka mid ah magaalada Paris kadib markii uu qaar ka mid ardeydiisa tusay kartoonada Nabi Muxamed NNKH.

Dhanka kale wakaaladda wararka ee Tunisia ayaa ku warramaysa in laba qof halkaas lagu xiray si su’aalo looga waydiiyo weerarkii Nice, ee uu fuliyay nin reer Tunisia ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay iney u badantahay in weero dheeraad ay ka dhacaan dalka Faransiiska.

Dhanka kale Baadari Greek ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay kaddib markii la toogtay, xilli uu xidhayey kaniisad ku taalla magaalada Lyon.

Golaha baadiriyada dalka Faransiiska ayaa dhalleeceeyey falkan, waxa ayna ku tilmaameen cimillo amnidarro oo dalkii ku sii fafaaysa.

Shaqsiga weerarkaasi looga shakiyey ayaa isku dayay inuu meesha ka baxsado, balse booliska Faransiiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninki hubeysnaa ee weerarka geystay.

Somaliska Uk

Xigasho BBC

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here