Madaxweynaha ayaa saxiixiisa ku dhejiyay sharciga cusub Sabtidii, saacado yar ka dib markii uu si rasmi ah u dhaqan galay isaga oo ku dhawaaqay faafinta sharciga ee Faransiiska.
Wasiirka shaqada, Olivier Dussopt, ayaa sheegay in dib u habaynta la hirgelin doono laga bilaabo 1da sebtembar. Waxaa ka mid ah, in da’da hawlgabka laga dhigo 62 ilaa 64 sano iyo in muddada shaqo-helidda hawlgabka buuxa la kordhiyo oo laga dhigo 43 sano.
Mudaaharaadyo ballaaran ayaa socday dhowr bilood oo looga soo horjeeday dib u habeynta, dibadbaxyada ayaa sii socday Jimcihii ka dib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Faransiiska ay soo gabagabeysay in aysan xadgudub ku ahayn dastuurka.
Macron iyo dowladiisa, ayaa si isdaba joog ah u tilmaamay in isbedeladu ay lagama maarmaan u yihiin nidaamka hawlgabku inuu noqdo mid dhaqaale ahaan waara.