Home Wararka Denmark Maalqabeen Balan qaaday in haweynka Denmark uu ka bixinayo Lacagta Ganaaxa ee...

Maalqabeen Balan qaaday in haweynka Denmark uu ka bixinayo Lacagta Ganaaxa ee Indho-shareerka..

0

Iyadoo ganaaxii ugu horeeyay uu ku dhacay haweeney muslimad ah una dhalatay Denmark ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Maalqabeen u dhashay Dalka Farance.

Maalqabeenkan oo ku Caanbaxay caawinta Haweynka Musliminta ayaa sheegay in uu dhawaan tagayo Caasimada Denmarka isla markana bixinayo lacag walbo oo lagu ganaaxo haweenka Muslminla.

Rashid Nekkas oo u dhahay Wadanka Faransiiska ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Aljeeriya waxana lagu xasuustaa in uu dhoor jeer caawiyay Haweenka Musliminta europe ee lacagta ganaaxa lagu Ganaaxo.

Ninkaasi oo mar la wareestay ayaa sheegay in isaga uusan raacsaneyn xirashada indha shareerka lakiin uu u taageerayo qiimaha xurnimada in qofka la siiyo.

Go.nka Rashid ayaa buuq badan ka dhalisay wadanka Denmark waxana Xisbiyada qaarkood soo jeediyiin in Xabsi loo badalo qofka arinkaasi sameeya.

Qiimaha Ganaaxa ayaa hada naraya 1000 DKk lacagta dalka halka qofka marar badan lagu qabto laga dhigayo ku dhawaad 10,000 DKK.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here