Home Wararka Caalamka Lix Qof oo lagu Dhaawacay goob Tareenada laga Raaco Magaalada Paris

Lix Qof oo lagu Dhaawacay goob Tareenada laga Raaco Magaalada Paris

0
AP Photo/Michel Euler) TT

Lix qof ayaa lagu tooriyeeyay saldhigga “Gare du Nord” ee magaalada Paris, kaasoo ka mid ah saldhigyada ugu mashquulka badan Yurub.

Idaacadda France Bleu ayaa ku sheegtay website-keeda in nin mindi ku hubeysan uu dhowr qof ku dhaawacay xarunta subaxnimadii Arbacada.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in boolisku ay ku guuleysteen in ay qabtaan qofka weerarka geystay.

Shan ka mid ah dadka la Tooriyeeyay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, halka midka lixaadna uu soo gaaray dhaawac halis ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha oo booqday goobta uu shilku ka dhacay.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah nin booliis ah oo dhabarka laga tooriyeeyay, balse uu ka badbaaday jaakad aan xabadu karin. Sida laga soo xigtay TT.

Weerarka ayaa dhacay abaare 6:42 subaxnimo, ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintu uma arkaan dambi argagixiso.

Gare du Nord waa mid ka mid ah saldhigyada tareenada ee ugu mashquulka badan Yurub , maadaama ay tahay isku xirka ugu weyn ee isku xira Paris , London iyo Waqooyiga Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here