Home Wararka Caalamka Labo Qof oo Xalay lagu Tooriyeeyay Xaafada Grønland ee Somalida u badantahay

Labo Qof oo Xalay lagu Tooriyeeyay Xaafada Grønland ee Somalida u badantahay

0
Photo/norsomnews

Waxaa Xalay labo ‘Qof lagu tooriyay Xaafada grønland kuwaasi oo weerarkooda loo adeegsaday toorey ama mindi sida uu booliska sheegay.

Labada Qof ayaa dhaawaca loo geestay 6 Daqiiqo gudahood waxana midka hore lagu dhaawacay buundada grønland halka midka kale la dhaacay waxyar kadib.

Sida uu booliska sheegay labada qof ee la dhaawacay mid kamid ah waxaa soo gaaray dhaawac fudud halka midka kale dhaawiciisa uu yahay mid culus.

Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in looga shakisanyahay xiriir ka dhaxeeya labada fal ee ka dhacay xaafadaasi.

Caasimada Oslo gaar ahaan Grønland waxaa maalmihii u danbeeyay ka dhacayay falal lidi ku ah dhanka amaanka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here