Home Wararka Caalamka Haweeney Somali ah oo lagu Xukumay in loo Tarxiilayo Dalkeeda Sida ay...

Haweeney Somali ah oo lagu Xukumay in loo Tarxiilayo Dalkeeda Sida ay Shaacisay Dowlada Norway

0
FOTO: ØSTERRIKSK POLITI

ugu danbeyn go’an ayaa laga gaaray Haweeney Somali ah oo ku nool dalka Norway go’ankaasi oo ah in loo tarxiilo Dalka Somaliya kadib markii lagu helayo dambiyo waa weyn.

Wasaarada Cadaalada Norway ayaa ku dhawaaqday in Haweeneydan lagu helay Falal Argagixiso Sanadkii 2019 lakin dhoor mar oo leesku dayay in loo tarxiilo waxaa adkaatay sidii loogu tarxiili lahaa dalkeeda.

Sababa ugu weyn ee xiligaasi ayaa aheyd in ay dalkeeda dhibaato kala kulmmi karto lakin Wasaarada ayaa hada sheegtay in aysan jirin wax dhibaato ah oo xiligan la kulmi karto.

Haweeneydan ayaa lagu helay Falal Argagixiso sida in ay sheegtay dowlada Norway waxaana kamid ahaa inay xiriir la samesay Ururka Daacish sanadkii 2019 ayaa lagu xukumay labo sano iyo Sagaal bilood oo Xabsi ah iyadoo dhameesatay xukunkaasi.

Waa Haweeneydii ugu horeesay ee gudaha Dalka Norway lagu helo Fal Argagixiso isla markana lagu xukumo dambigaasi.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here