Home News in English Laanta Migrationsverket-ka oo warbixisay Qaabka loo heli karo Sharciga Deganaanshaha Rasmiga

Laanta Migrationsverket-ka oo warbixisay Qaabka loo heli karo Sharciga Deganaanshaha Rasmiga

1
Photo: Anders Wiklund / TT

Xili todobaad guduhiisa uu bilaabanayo sharciga Rasmiga ee dhanka socdaalka ayaa hay’ada Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka waxay cadeesay sida lagu heli karo sharciga rasmiga.

Si aad u hesho Sharciga Deganaanshaha Rasmiga waa in aad dhaqaalo ahaan isku filantahay oo kaliya sida laanta socdaalka ay ku cadeesay bogeeda mana jirto guri qofka ku waajib ah oo aan ku aragnay warbixinta lagu qoray boga Migrationsberket.se.

20 july kadib waxaad dalban kartaa Deganaansho rasmi ah hadii

  • in aad heysatay shaqo joogto ah oo afar sano ah  toddobadii sano ee la soo dhaafay
  • inaad awoodo naftaada inaa taageerto
  • in aad fileyso in aad ku noolaato wanaagsan.

Qofka ayaana dalban kara Sharciga Deganaanshaha hadii uu heesto shaqo joogta ah waxana uu dalban karaa Deganaanshaha rasmiga labo sano kadib hadii uu buuxiyo sharuudaha markaasi looga baahanyahay.

Sharciga Deganaansha  ayaa sidoo kale sameenaya qoyskaaga.

Fiiro Gaar ah laanta Socdaalka ayaana bogeeda ku cadeesay in wali aysan cadeen karin Dhaqaalaha laga doonaya qofka iyo inta uu gaarayo marka la eego sharcigan lakin waxay sheegeen in dhawaan soo qorayaan.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here