Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo Labo gantaal ku ridday badda Japan

Kuuriyada Waqooyi oo Labo gantaal ku ridday badda Japan

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba ku gantay badda meel ka baxsan xeebta bari subaxnimadii talaadadii, saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa sidaas sheegay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap. 

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa qiimeyn ku sameynaya gantaalada la soo riday si ay u ogaadaan nooca gantaalada waxayna ku sheegtay Gantaalada Cruise-ka. 

Gantaalada Cruise-ka laguma mamnuucin cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee lagu soo rogay Pyongyang, si ka duwan gantaalada ballistic-ga. 

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in baaritaanada laga sameeyay dhul gudaha ah, balse ma uusan cadeyn goobta rasmiga ah.

Pyongyang ayaa dhawaan samaysay afar nuuc oo  tijaabo gantaal ballistic ah. Kii ugu dambeeyay waxaa la sameeyay Janaayo 17. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here