Home Wararka Maanta Khilaafka Masaajidka Towfiiq oo gaaray Baarlamaanka Dalka Norway

Khilaafka Masaajidka Towfiiq oo gaaray Baarlamaanka Dalka Norway

0

Khilaafka Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Norway ayaa wali taagan waxana Khilaafkiisa u dhaxeeyaa labo kooxood oo Sanadihii u danbeeyay isku heestay iyadoo Khilaafka uu jiro ayaa dhawaan la qabtay doorasho ka dhacday gudaha Masaajidka oo keentay in doorashada lafteeda lagu murmo.

Haweenka Norway ayaana loo diiday in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada ka dhaceysay Masaajidka dhexdiisa oo markii danbe qabsoontay haweenka loo diiday ayaa intaasi kadib la hadlay warbaahinta gudaha Dalka iyagoo ka cabanaya in aysan xaquuq ku laheen oo aysan ka codeen masaajidka.

Hadalka Haweynka ayaa gaaray Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Norway ee Haweynka ah waxayna durba Xildhibaanada dood ka keeneen sababta Qarnigan lagu jiro haweyn ku sugan Norway loogu diiday in ay codkooda dhiibtaan taasi ayayna xildhibaanada cabasho ugu gudbiyeen wasiirka Qoyska iyo diimaha norway.

Wasiirka ayaa dhici karta in la horkeeno Barlamanka hortiisa lana waydiiyo sababta ay ku dhacday in Haweenka Norway loo diido codkooda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here