Home Wararka Finland Finland oo Fududeesay Xayiraadaha Saaran Xadka ay la wadaagto Sweden

Finland oo Fududeesay Xayiraadaha Saaran Xadka ay la wadaagto Sweden

0

Finland ayaa fududeysay dhaqdhaqaaqa dadka xadka waqooyi ee ay la leedahay Sweden.

Warbixinta ka tallaabida xadka ee loogu fududeeyay dadka ku dhaqan xadka Finland ay la wadaagto Norway iyo Sweden, ayaa saakay dowladda Finland waxay ku sheegtay shir jaraa’id marka ay saacadda Sweden ahayd hal saac ama toddobada aroornimo.

Weli waxaan kala caddeyn waxa loola jeedo deegaanada xadka laakiin shirka jaraa’id ayaa waxaa lagu booriyay cidii dooneysa in ay ka talowdo xadka in ay soo qaadato waraaqo muujinaya in kuk u dhaqan tahay degmooyinka ku yaalla xadka.

Sven Tornberg oo ah guddoomiyaha degmadda Haparanda kana tirsan xisbiga Center-ka ayaa ka mid ah dadka sugaya warbixin sii cad oo ku saabsan go’aanka dhaqaaqa ee xadka, isaga oo sheegay in warka uu soo gaaray saakay balse loo baahanyahay tafaasiil dheeri ah sida nooca waraaqado ee laga doonaya dadka ka tallaabaya xadka.

Somaliska Stockholm

Xigahsho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here