Home Wararka Maanta Khilaaf ka taagan tirada Qaxootiga Sweden ka qaadaneyso Midowga Yurub

Khilaaf ka taagan tirada Qaxootiga Sweden ka qaadaneyso Midowga Yurub

0

Khilaaf ka dhex jira Xisbiyada ka dhigan Sweden ee ku jira Barlamaanka Khilaafka ayaana salka ku haya tirada Qaxootiga ay sweden ka qaadan karto Midowga yurub marka ay timaado Qaxootiga qeybsiga waxana arinkaasi ka doodaya Gudiga Socdaalka ee Barlamaanka.

Xisbiga S ayaa u muujiyay Xisbiyada kale go’an ka gaarida Qaxooti Qeybsiga taasi oo ka dhigan in Sweden hesho boqolkiiba 2 ilaa 3 hadii si siman loo qeybsado Qaxootiga soo gaara midowga yurub sanadkan.

Labada Xisbi ee Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa Dowlada ku cadaadinaya in ay soo qaadato qaxooti ka yar tiradaasi halka Xisbiga Miljoparta uu kasoo horjeedo arinkaasi isagoo taageersan in aan xaduud loo sameen qaxootiga Sweden soo galaya.

Sanadkii lasoo dhaafay Sweden ayaa Qaxooti ahaan waxay Midowga yurub ka heshay boqolkiiba 3.8 sida ku xugan Macluumaadka Gudiga Socdaalka ee Barlamaanka.

Ricard Larson oo ka tirsan Xisbiga S ayaa sheegay in Raisal’wasaare Stefan uu aaminsan yahay in Sweden qaadato qeybta kaga soo aada Qaxooti qeybsiga midowga yurub diyaarna u noqoto.

Gudiga ayaa dhanka kale ku hoolan Dajinta Sharciyo badan oo dhanka qaxootiga ah kuwaasi oo mustaqbalka muhiim u ah Dalka Sweden.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here