Home Wararka Maanta Germalka oo Qoyskasta ku siinaya lacag dhan €300 Halkii Cunug ay heestaan

Germalka oo Qoyskasta ku siinaya lacag dhan €300 Halkii Cunug ay heestaan

1

Dowlada Germalka ayaa maanta ku dhawaaqday go’an iyo Sharciyo cusub oo loogu tala galay kasoo kabsashada dhibkii ku dhacay dalka ee dhanka dhaqaalaha waxana Lacagta ay dowlada ku soo bandhigtay qoondooyinkeeda ku jira in Qoyskasta lagu siiyo 300 boqol oo lacag Euro-ga ah halkii wiil ay heestaan.

go’anka Dowlada ayaana ka dhigan Qoyska heesta 6 Caruur ah ay helidoonaan lacag gaareysa 1800 Euro madama midkii lagu siinayo 300 boqol oo Euro oo u dhiganta 3000 kun oo kr lacagta Dalka Sweden iyo Norway.

Raisal Wasaaraha Germalka Chancellor Angela Merkel  ayaa dhanka kale soo bandhigtay lacag loogu tala galay shirkadaha Dalka ka shaqeeya kuwaasi oo qasab uga dhigaya in Shaqaalaha dib ugu laabtaan goobahooda shaqada iyadoo arintaasi ka hadleysa ayay tiri.

” qorshaha Shirkadaha waxaa ugu magac darnay ilaalinta Amaanka Shaqooyinka ” taasi ayayna ula jeedaa in dadka aysan shaqooyinka wadanka lumin.

Dowlada Germalka ayaana ugu danbeen waxay dhintay heerka Canshuurka wadanka mudo 6 bilood oo laga bilaabo bisha july si dadka u helaan lacag ku filan.

Germalka oo kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan yurub ayaa gaaray heerka ugu hooseeya ee dhanka shaqo la’anta mudada uu wadanka ku jiray bandowga lakin dowlada ayaa dhaqaalo badan ku bixisay sidii looga soo kabsan lahaa dhibaatada dhacday.

Somaliska Berlin

 

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here