Home Wararka Maanta Ismail Bozbay oo dilay Xaaskiisa, Caruurtiisa iyo Maamulihiisa Shaqada kadib muran dhex...

Ismail Bozbay oo dilay Xaaskiisa, Caruurtiisa iyo Maamulihiisa Shaqada kadib muran dhex maray

0

Ninkaasi oo magacisia lagu sheegay Ismail Bozbay ayaa la sheegay inuu shalay dilay Maamulkiisa oo uu muran kala dhexeeyey.

Sida Somaliska kasoo xigtay Turkiyeegitim Ismail ayaa muran waxa uu dhex maray Maamulaha shirkad dhismo uu u shaqeenayay kadib markii uu lacag weediistay.

Boliska Dalka Turkiga ayaa sheegay inuu Eedeysanaha toogasho ku dilay Maamulihiisa oo lagu magacaabi jirey Ahmed Kuzgun, xilli uu Salaad tukanayey.

Dhacdadaasi ayaa la sheegay inay ka dhacday Gobalka Sakarya, iyadoo uu Eedeysanuhu baxsaday dilka kadib.

Boliska oo ninkaasi ka baadi-goobay Gurigiisa ayaa waxay la anfariireen markii ay arkeen Eedeysanihii, Xaasakiis iyo ilmo yar oo 4 sano jir ah oo ay dhaleen oo  wada mayd ah, kuwaasi oo uu toogasho u geestay.

Warbixino hordhac ah ayaa sheegayo inuu Ismail Bozbay dilay xaaskiisa iyo cunugta yar, kadibna uu gacantiisa isku khaarijiyey Xaaskiisa oo 36 sano jir ah ayaa lagu magacaabi jiray Aycan.

Somaliska Gotenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here