Home Wararka Maanta Isbadalkii Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo dib looga laabtay

Isbadalkii Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo dib looga laabtay

0

Wasiirka suuqa shaqada Ewa Nordmark oo shir jaraa’id saaka qabatay ayaa kaga warrantay habka ay dawladdeeda iyo xisbiyada C iyo L ee kula jira heshiiskii jannaayo ey dooneyaan in wax looga bedelo dib u habeeyntii howlaha xafiiska shaqada, iyadoona sheegtay iney laba qodob di buga noqdeen go’aannadii hore ee howlaha is bedellada xafiiska shaqada.

Qodobbada ay wasiiraddu sheegtay iney dib uga laabteen ayaa kala ah:

-Laba qeybood, mid wuxuu yahay qoondeeynta wakhtiga annagoonna sannad ku darney halkii uu ka ahaa 2021 iminka laga dhigey 2022.

-Iyo midda labaad oo ah in aannu dib uga laabanney jihadii is bedellada. Mana noqon doono mid ku saleeysan xeerka LOV xeerka xorriyadda ee kala doorashada, sida ay hadalka u dhigtay.

Mar wax laga weeydiiyay wasiiradda iney tallaabooyinkani yihiin kuwo ku filan in xisbiyada mucaaradku ku qancsan yihiin isla markaana wadahadallo kala yeesheen arrimmahaa ayay sheegtay in aanay wax jawaab ah ka hayn. Hase yeeshee ey jawaab saaka uga dirtay qoraalkii ey ka heshay xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna oo ey ku muujiyeen shuruudaha ey dooneyaan in wax laga bedelo howlaha is bedellada ee xafiiska shaqada, hase yeeshee aaney wax kulammo ah la qadan, marka laga yimaado kulammo ey yeesheen xisbiyada afarta ee ku midoobey heshiiskii jannaayo.

-Hase yeeshee wax wada falanqeeyn ah nama aaney dhex marin xisbiyadaa mid ka mid ah, sia ay hadalka u dhigtay.

Heshiiskii Jannaayo oo ey ku isku af garteen dawladda iyo xisbiyada C iyo L ayuu ku caddaa in is bedelka lagu sameeyn doono xafiiska shaqada uu saldhig u noqdo xeerlka LOV – xeerka xorriyadda ee kala doorashada, hase yeeshee iminka dib looga laabtay waana is bedelka ugu wayn tallaabada la qaaday sida ay wasiiraddu sheegtay.

-Halkaa waxaannu dhageeysanney shuruudaha nalooga soo jeediyey waana mid aannu di buga laabaney, annagoona ku noqonney halkii hore,sida ay sheegtay Ewa Nordmark, wasiirka suuqa shaqada Sweden.

Haddii aey haddaba xisbiyada M iyo KD soo dhoweeyaan is bedelladan lagu dhawaaqay waxay ka dhignaan doontaa inuu xisbiga Centerpartiet noqonayo xisbiga keliya ee khasaaruhu ka soo gaaray arrinkaa, maadaama uu horreyba xisbiga Socialdemokraterna ka soo hor jeedey tallaabadan, hase yeeshee uu qeyb ka ahaa heshiiskii Jannaayo, sida uu sheegay Thomas Ramberg oo laanta wararka Ekot uga faallooda siyaasadda arrimmaha guda.

-Inkastoo ay dawladdu is dhiibtay, haddana xisbiga keliya ee guuldarradu ku raacday arrinkan xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka waa xisbiga Centerpartiet.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here