Home Wararka Caalamka Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo Barlamaanka ka dalbatay Awoodo dheeri ah

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo Barlamaanka ka dalbatay Awoodo dheeri ah

0

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ku boorrisay xildhibaanada jimcihii inay ansixiyaan awoodaha cusub ee u ogolaanaya iyada inay ku qasbato xirnaanshaha iyo baaritaanka meelaha kororka leh ee heerarka cudurka uu aad u sareeyo, iyadoo sheegtay in inta badan dadka reer Jarmal ay taageersan yihiin in la qaado talaabooyin adag.

“Mawjadda saddexaad ee masiibada ayaa dalkeenu si adag gacanta ugu hayaa,” ayay tiri Merkel, oo khudbadeedii baarlamaanka ay hakad gashay kadib markii ay ku gacan seyreen xildhibaannada xisbiga midigta-fog ee Alternative for Germany ee ka soo horjeeday xirxirashada.

“Shaqaalaha daryeelka degdegga ahi midba midka kale ayay u dirayaan qaylo-dhaan. miyaa nahay kuwa iska indhatiraya codsiyadooda?” Merkel ayaa tiri.

Merkel waxay rabtaa baarlamaanka inuu badalo sharciga ilaalinta kahortaga cudurada si ay awood ugu siiso maamulada dowlada dhexe inay dhaqan galiyaan xanibaada xitaa hadii hogaamiyaasha gobolada ay diidaan, iyagoo rajeynaya inay yareeyaan cadaadiska ay ku hayaan qeybaha daryeelka degdega ah.

Xayiraadda bandowga iyo in la siiyo dowladda federaalka awoodo ay ku qasabto 16ka gobal ee Jarmalka ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulantay garabka muxaafidka ah ee Merkel, taas oo ra’yi ururin la sameeyay ay muujineyso inay la kulmi doonto natiijadii ugu xumeyd abid ee la qabto doorasho qaran bisha Sebtember.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here