Hogaamiyaha Germalka oo Booqasho ku Yimid Sweden

Foto: Michael Kappeler / AP

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in dhammaan xubnaha NATO ee ka tirsan Isbaheysiga North Atlantic Treaty Organisation (NATO) ay ansixiyaan xubinnimada Sweden ee isbaheysiga oo uu ku jiro Turkiga.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Sweden maanta, Schulz wuxuu shir jaraa’id la qaatay ra’iisul wasaaraha Magdalena Andersson.¬†Waxa uu sheegay in ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO ay tahay tallaabo taariikhi ah.

Ilaa hadda 23 dal ayaa ansixiyay codsiga labada dal ee ku biiraya, halka 7 dal oo ka tirsan isbaheysiga aysan wali si dhameystiran u heshiin, oo uu ku jiro Turkiga oo diidmo badan ka hor yimid intii ay socotay howsha codsiga.

Cawaaqib xumada ka dhalatay dagaalka Ruushku ku hayo dalka Ukrain ayaa horseeday sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyo tamarta Yurub, taas oo ay maanta ka wada hadleen madaxda dawladda Sweden iyo Jarmalka.

Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*