Home News in English Afar Qof oo ka baxsaday Xaruunta Laanta Socdaalka ee Ajaanibta lagu hayo

Afar Qof oo ka baxsaday Xaruunta Laanta Socdaalka ee Ajaanibta lagu hayo

0

Afar qof ayaa ka baxsaday xarun lagu hayo dadka socdaalka oo ku taal Åstorp ee gobolka Skåne kadib markii ay god ka qodeen darbiga.

Daloolkii darbiga ayaa la helay subaxnimadii hore ee saaka. Isla markaana waxay shaqaaluhu ogaadeen in afar qof ay ka baxsadeen xarunta.

“Waxay heleen qalab waxayna u isticmaaleen qodista gidaarka,” afhayeenka Hay’adda Socdaalka Didzis Melpixis ayaa u sheegay Expressen. Baxsadka waxaa ogaaday shaqaalihii oo ku wargaliyay booliska.”

Hay’adda laanta socdaalku waxay samaysaa baadhitaan iyo kormeer gudaha ah ee xarunta. Melbexis waxay sheegtay in waaxdu sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonto habraaceeda. Sida uu sheegay TT.

Booliska ayaa furay baaritaan la xiriira dhacdada. “Ma bilaabi doono baaritaanno lagu raadinayo kuwa baxsadka ah, laakiin waa la qaban doonaa haddii aan la kulanno,” Osa Emanuelson.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here