Home Wararka Maanta Hindise Cusub ” Baaritaan lagu Sameenayo Taleefanada iyo Guryaha iyadoo aanan Dambi...

Hindise Cusub ” Baaritaan lagu Sameenayo Taleefanada iyo Guryaha iyadoo aanan Dambi lagugu helin

0
Foto: Duygu Getiren/TT

Dowlada Sweden ayaa wada hindise dhigaya in Baaritaan lagu sameyn karo gurigaaga iyo Taleefankaaga iyadoo aysan jirin wax dambi ah oo markaasi lagugu hayo.

Hidisaha arintan ayaa hada socda waxana gudiga wada baaritaanka ay eegayaan sida ugu macquulsan ee lagu hakin karo dambiyada culus ee wadanka ka dhaca.

Tallaabooyinka cusub waxaa ka mid ah in booliiska iyo xeer-ilaalinta guud awood loo siiyo in ay isticmaalaan tallaabooyin sir ah oo ka hortag ah oo ka baxsan baaxadda baaritaankooda horudhaca ah. Tan waxaa ka mid ah dhageysiga taleefoonka ama helitaanka macluumaadka shakhsiyeed si looga hortago dembi iyada oo aan loo baahnayn tuhun dembi oo ka dhan ah qof gaar ah.

Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Michael Dambere shirkiisa jaraa’id ee uu maanta qabtay inay tahay “qalab dheeri ah oo looga hortagayo dambiyada culus , sida toogashada iyo qaraxa.” Sida laga soo xigtay SVT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here