Home Wararka Denmark Heerka Corona ee Norway iyo Denmark oo Korortay Todobaadyadii ugu Danbeeyay

Heerka Corona ee Norway iyo Denmark oo Korortay Todobaadyadii ugu Danbeeyay

0

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Denmark iyo Norway ayaa sheegay in tirada cudurrada cusub ee fayraska Corona ee labada waddan ay mar kale kordheen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Toddobaadkii hore, 11,415 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah ayaa laga soo sheegay Danmark, waxaana 248 qof la dhigay isbitaallada dalka.

Denmark iyo Norway ayaa hoos u dhigay xayiraadaha Corona dhoor todobaad ka hor waxana dadka ay ka dhaafeen Sharuudaha badankooda sida goobaha la booqdo iyadoo dadka ku nool labada dal badankooda ay qaateen talaalka labadiisa qeyb.

Wasiirka caafimaadka Norway, ayaa sheegay in dowladda Norway go’aansatey in aan xayiraado cusub lagu soo rogin guud ahaan dalka waqtigan xili uu Corona uu sii kordhayo. Si kastaba ha ahaatee, waxay diyaar u tahay inay dib u soo rogto tillaabooyin lagu xakameynayo fiditaanka fayraska wakhti kasta haddii loo baahdo.

Magaalada Tromsø, oo si gaar ah ay u saameysay, ayaa lagula taliyay in ay ilaaliyaan sharciyada sida kala fogaanka dadka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here