Home News in English Hay’adda laanta socdaalka Sweden oo adkeynaysa Baasaboorka iyo Aqoonsiga Dadka Deganaansha Helay...

Hay’adda laanta socdaalka Sweden oo adkeynaysa Baasaboorka iyo Aqoonsiga Dadka Deganaansha Helay ee Imaanaya

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Si kor loogu qaado amniga loona yaraado qatarta ka imaan karta qaladaadka ayaa hey’adda laanta socdaalka waxey sameysay habab cusub oo lagu hubinayo dukumentiyada baasaboorka Dadka imaanaya Dalka ee Deganaanshaha helay waxaana kamid ah In Faraha laga qaado Qofkaasi inta uusan imaan Sweden.

Tani waa mid ka mid ah tallaabooyin dhowr ah oo Hay’adda Socdaalka Sweden ay qaadayso kadib dhaleeceyn uga timid Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka.

Qofka codsanaya sharciga inuu u safro Iswiidhan hadda waa inuu baasaboorkiisa shakhsi ahaan ku tuso Hay’adda laanta socdaalka ama safaaradda Iswiidhan ka hor inta aan go’aan laga gaarin sharciga degenaanshaha.

– Hay’adda laanta socdaalka mas’uuliyad ayaa ka saaran in ay dib u eegto baasaboorka iyo aqoonsiga qofka haddii ay rabaan in ay soo galaan ama soo degaan Iswiidhan.

Nidaamyada cusubi waxay dhaqan geli doonaan kowda November. Taas macneheedu waxa weeye in dadka soo gudbiya ama haysta codsi furan oo sharci deggenaansho ah, waa in ay booqdaan safaaradda/qunsuliyadda guud ama mid ka mid ah xarumaha adeegga ee Hay’adda Socdaalka si ay u muujiyaan baasaboorkooda.

Si aan qofna u samayn booqashooyin shakhsiyeed oo ka badan inta loo baahan yahay, booqashada si ay u muujiyaan baasaboorkooda waxaa lagu dari karaa booqashada aad u baahan tahay in faraha lagaa qaado

– Waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan ugu gudbi lahayn hawlaha cusub sida ugu macquulsan. Runtii ma rabno in dadka doonaya in ay Iswiidhan yimaadaan ay si xun u saamayso isbeddelkan, laakiin waxa laga yaabaa in wakhtiga ka-hortagga ee Hay’adda Socdaalka uu wax yar kordho inta lagu jiro xilliga kala guurka, ayuu yidhi Carl Bexelius.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here