Home News in English Hay’ada Socdaalka oo war kasoo saartay Mudada lagu helayo Jawaabaha

Hay’ada Socdaalka oo war kasoo saartay Mudada lagu helayo Jawaabaha

0
Foto: Marcus Ericsson, Henrik Montgomery / TT

Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka, Mikael Repinvik, wuxuu sheegay in hay’addu ay yareyneyso waqtiyada ka baaraandegidda codsiyada magangalyada, iyadoo rajeyneysa in sannad gudihiis lagu gaaro himilada ka baaraandegista codsiyada ugu badnaan 6 bilood gudahood marka lasoo gudbiyo codsiga . Sida Radio Ekot.

Ombudsman (Justitieombudsmannen) ama gudiga Cadaalada Barlamaanka ayaa maanta dhaleeceeyay Hay’adda Socdaalka ee ku aadan sida ay hay’ada uga gaabisay ama maaraysay kiisaska magangelyada, iyo codsiyada dhalashada.

Wakaaladda Socdaalka waxay ku qirtay jawaabteeda goor dambe in waqtiyada sugitaanku dheer yihiin, taasoo muujineysa inay hadda isku dayeyso inay si wanaagsan u qaybiso shaqaalaha una raacdo habab shaqo oo ka wanaagsan iyadoo la adeegsanayo qaab dijitaal ah.

Xafiiska Ombudsman-ka ayaa sheegay in Hay’ada Socdaalka aysan xalin dhibaatooyinka inkastoo dhowr sano oo dhaleeceyn ah ay jirtay. – Hay’adda socdaalku kuma eedeyn karto waqtiyadii dheeraa ee howsha lagu gudajiray waxa loogu yeero dhibaatada qaxootiga ee dayrta 2015, waa inay xil weyn iska saartaa oo hubisaa in xaaladdan la xalliyo, ayuu Ombudsman Per Linnnerbrandt u sheegay idaacadda Ekot.

Agaasimaha hay’ada ayaa ku adkeystay in dhibaatada qaxootiga sanadkii 2015 ay horseeday safaf dhaadheer oo loogu jiro kiisaska magangalyada iyo codsiyada muwaadinimada, xili tirada shaqaalaha ay hoos u dhacda

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here