Home Wararka Denmark Danmark oo diiwaan galisay tirada ugu yar ee magan galyo doonka ilaa...

Danmark oo diiwaan galisay tirada ugu yar ee magan galyo doonka ilaa 1998

0

Wadar ahaan 1,547 magangalyo doon ah ayaa laga diiwaan geliyay Danmark sanadkii hore, waana tiradii ugu yareyd ee sanadle ah tan iyo 1998.

Tirada magangalyo doonka ayaa hoos u dhacday 43% marka loo eego sanadka 2019. Xilligaas waxaa la diiwaan galiyay 2,716 oo magangalyo doon ah.

“Xaaladda corona waxay u badan tahay inay qayb ka tahay sharraxaadda, laakiin sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan u mahadcelin karno siyaasaddeenna adag ee socdaalka,” ayay tiri Wasiirka Socdaalka iyo Is-dhexgalka Mattias Tesfaye.

Tirada dadka magangalyo doonka ah sanadkii hore waa in kayar toban meelood meel tirada diiwaanka sanadkii 2015.

Xilligaas waxaa Danmark yimid magangalyo doon 21,316. Si kastaba ha noqotee, tirooyinka sanadkii hore wali waa hordhac.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here