Home Wararka Maanta Hay’ada Migrationsverket-ka oo Sharciga Ogolaanshaha Shaqada ka ceshatay 300 boqol kun oo...

Hay’ada Migrationsverket-ka oo Sharciga Ogolaanshaha Shaqada ka ceshatay 300 boqol kun oo Shaqaale ah

0

Hay’adda laanta socdaalka ayaa ku dhawaaqday inay diidi doonto codsiyada lagu siinayo ogolaanshaha shaqo ee 300 oo qof, oo ay soo gudbisay hal shirkad dhismo, sababo la xidhiidha “anshax-xumo” ay kula kacday shaqaalaheeda.

Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shirkaddan oo ah qandaraasle hoose oo dhanka dhismaha ah ay kala kulantay labada dal ee Belgium iyo Sweden eedeymo la xiriira tahriibinta dadka iyo ka faa’ideysiga shaqaalaheeda muhaajiriinta ah.

Maamulka ayaa sheegay in sannadkii hore, ay heleen macluumaad ku saabsan “anshax-xumo” shirkadda laga doodayo, iyo in shaqaalaheeda ay la kulmaan khatarta ah in aysan helin shuruudaha shaqada ee loo ballan qaaday.

Shirkadan ayaa horey loogu eedeyay in ay shaqaalaheeda siiso mushaaraad aad u yar oo ay soo bandhigto xaalad shaqo oo aad u liidata,sidoo kale waxaa la sheegay in ay u hanjabtay shaqaalaheeda ajaanibka ah oo ay ku qasabtay in ay ka dhoofaan dalka Belgium si ay uga hortagaan in ay ka qeyb qaataan baaritaan uu maamulka halkaasi ku sameeyay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here