Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo Qof ku toogtay Magaalada Sundsvall

Booliska Sweden oo Qof ku toogtay Magaalada Sundsvall

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Nin da’diisu tahay sodon jir ayaa shalay boolisku ku toogtay magaalada Sundsvall .

Shantii fiidnimo ee shalay ayaa ciidamo booliis ah oo roondo ah waxa ay tageen guri ay degganaayeen ka dib markii la soo sheegay in uu muran ka dhashay. Halkaa waxay kula kulmeen nin si xun u dhaqmaya. Xaalada ayaa loo arkayay mid halis ah taasi oo keentay in booliska uu toogto.

Ninkan ayaa lagu qaaday Gaari Ambalaas ah oo la geeyey Isbitaalka kadib markii gargaar deg deg ah loo fidiyey. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sweden.

Booliska ayaa ninkan gacanta ku soo dhigay, iyadoo lagu eedeeyay inuu dhibaato u geystay shaqaale ka tirsan dowladda, taasoo ah dambi weyn.

Xeer illaaliyaha gaarka ah ayaa baaraya tallaabada bilayska, taasoo ah habraac uu xeer ilaalintu qaado si uu u go’aamiyo inay lagama maarmaan tahay in booliisku ay toogtaan

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here