Home Wararka Caalamka Haweeney Qalabka Dam-damiska ku Weerartay Ninkii Quraanka ku gubay Safaarada Iran

Haweeney Qalabka Dam-damiska ku Weerartay Ninkii Quraanka ku gubay Safaarada Iran

0
Foto Fredrik Sandberg / TT

Silwan Momika iyo Silwan Najem ayaa shalay mar kale ku gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah afaafka hore ee safaarada Iran ee magaalada Stockholm.

Haweeney ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa isku dayday in ay weerarto halka uu ku sugan yahay Silwaan, waxaana ay damisay dabka, iyadoo ku buufisay qalabka ka hortagga dabka ee ay sidatay, balse waxaa goobta ka qaaday ciidamada Booliska.

Silwaan waxa uu jeediyay khudbadii caadiga ahayd ee uu kaga soo horjeeday Islaamka iyo Qur’aanka kariimka ah, balse waxa uu kor u qaaday khatarta argagixisada, waxaanu si cad u weeraray Muslimiinta, waxaanu yidhi “Kuwa maanta u hanjabaya Sweden waa Muslimiin, laakiin maaha dhamaantood”.

Isku imaatinkaas ayaa dhamaaday kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah, si dag dag ah dadkii qur’aanka gubay ayaana goobta ka tagay.

Goobta oo dhan ayaa laga soo duubay ciidamo aad u badan oo ku sugan fagaaraha shirka iyo wadooyinka soo gala iyo sidoo kale kaynta ku xeeran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here