Home Wararka Caalamka Haweeney da’ah oo markii labaad uu ku dhacay Xanuunka Corona u...

Haweeney da’ah oo markii labaad uu ku dhacay Xanuunka Corona u dhimatay

0

Haweeney da ’ah oo ku nool Holland ayaa dhimatay ka dib markii ay heshay covid-19 markii labaad.

Waa kiiskii ugu horreeyay ee laga ogyahay adduunka ee qof dhinto ka dib markii uu mar kale ku soo booday fayraska.

Haweeneyda oo 89 jir ah ayaa timid isbitaalka holand bilowgii sanadka iyadoo leh qandho iyo qufac daran. Waxaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘covid-19’ waxaana lagu daaweeyay isbitaalka muddo shan maalmood ah markii laga waayay astaamihii ayaa loo diray gurigeeda.

Qiyaastii laba bilood ka dib, bilawgii daaweynta kemotherabi ee kansarka, ayay mar labaad bukootay qandho iyo qufac. Haweeneyda ayaa mar labaad laga helay cudurka loo yaqaan ‘covid-19’ – inkastoo xaqiiqda ah inay horey u laheyd unugyada difaaca jirka.

Maalintii sideedaad, bukaanku xaaladdiisa way kasii dartay. Way dhimatay laba toddobaad ka dib “, sida ay qoreen cilmi-baareyaasha baaray kiiskan warbixin.

Haweeneyda ayaa sidaas ah qofkii ugu horreeyay ee la soo sheego ee adduunka ka dib markii uu dib ugu soo laabtay cudurka coronavirus, sida ay qortay Oxford University Press.

Somaliska Netherland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here