Home Wararka Caalamka Hakad weyn oo ku yimid isu socodkii basaska ee koonfurta Stockholm

Hakad weyn oo ku yimid isu socodkii basaska ee koonfurta Stockholm

0

Dhowr waddo oo bas ah ayaa la hakiyay koonfurta Stockholm taasoo ka dhalatay baraf xooggan oo da’ay.

Jidadka basaska ee Handen, Jordbro iyo Tyresö ayaa si gaar ah u saameeyay barafka xoogan.

Dhowr khadadka dhulka hoostiisa mara ayaa sidoo kale la joojiyay subaxnimadii Talaadada.

Baraf aad u badan ayaa da’ay xalay taasoo keentay in SL ay joojiso adeegyadii basaska ee Handen , Jordbro iyo Tyresö, ee koonfurta Stockholm .

SMHI waxay soo saartay digniin jaale ah oo ku saabsan baraf iyo dabaysha Stockholm ilaa 17:00 Talaadada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here